Baidoa.com Weblog waa bar (mowqic) ay dadka isku dhaafsadaan aaraa'dooda iyo wararka. Baidoa.com Weblog may-bywahy mowqi' dadky ra'yisho ku dhiibythaayang o waany walaagy war eny inisky sheegayang
Haky Dhawaaw Baidoa.com Weblog
Published on August 13, 2006 By BAIDOACOM WEBLOG In Welcome
Baidoa.com Weblog waa bar (mowqic) ay dadka isku dhaafsadaan aaraa'dooda iyo wararka. Baidoa.com Weblog may-bywahy mowqi' dadky ra'yisho ku dhiibythaayang o waany walaagy war eny inisky sheegayang
Comments
on Aug 13, 2006
Urur Been Abuur ah oo isku magacaabay "Bay Bakol Puntland Foundation "

Urur Been Abuur ah oo isku magacaabay "Bay Bakol Puntland Foundation " ayaa beryahan caadaystay in uu qoraallo la dhoodhoobay ku faafiyo warbaahinta gaar ahaan interteka. Waxaa la yaab leh kuwa ku cayaaraya garaadka waxgaradka Diil iyo Mirife oo wakhtigan casriga ah oo ay dadku indhaha u wada furaanyihiin raba ookiyaale alwaax ah in ay u geliyaan umad? Duf ku baxa dheh kuwa magaceena ku been abuuranaya ee aan damiirka lahayn! Cashar been ah ayay raabaan in ay cilmi noogu qoraan oo na cameeyaan

Halkan ka akhri qoraalkii ugu danbeeyay ee been abuurka ah ee uu soo saaray urur ku sheega:

" Baaq Ka Soo Baxay Culumaa’udiinka Beesha Digil iyo Mirifle


Kadib markii aan ku jahwareernay mudo Shan iyo Toban Sano. Oo aan laka saari weynay Hawiye kooda diinta fidinaaya iyo kan dhulbalaarsiga usocda, Shaydaanka iyo Shariifka Beesha Ceyr.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay nala qaataan talabooyinkan hoos ku qoran:

A) Waa in aan Salaad lagu Xiran Culimaa’udiin u dhashay Beesha Ceyr inta Nin Ceyr ah uu xoog ku haysto hanti uu san lahayn.

Waa in aan laga ogolaan Culimaa’udiinka Beesha Ceyr diin baan fidinaynaa iyagoo hub sita. Sababtoo ah beesha digil iyo mirifle wixii ku dhacay ayaa idinku dhicidoona. Diinbaan fidinaynaa ayaa beeraheena iyo dhulkeena lagu qabsaday.

C) Waa in Dowladda Soomaaliyeed ay shuruud uga dhigto shirka khartuum in Sheekh Dahir Aweys iyo Indhacade ay ku dhawaaqaan in ay kala baxaan ciidamadooda dhulka beesha digil iyo mirifle mudo gaban gudaheed dibna ay ugu laabtaan goboladii ay ka yimaadeen.

D) Waa in laga mamnuucaa culimaa’udiinka layaqaan ee mayalka adag in ay madax ka noqdaan hogaanka dalka. Sababtoo ah Sayid Mohamed Cabdulle Xasan ayaa ahaa wadaad mayal adag diin baan fidinayaa ku laayey umad farabadan oo Soomaaliyeed hantidoodiina ka dhaci jiray dhul farabadana sidaa ku qabsaday.

E) Waa in Ummadda Soomaaliyeed la baraa Diinta Islaamka micnaheeda saxda ah iyo macaankeeda ee aan diinta qofna lagu khasbin sababtoo ah Hanuunka Illaah baa leh.


Wa billaahi towfiiq
Macalin Nur Eeden Taaw
Nasrul Cayn Sunah Wajameeca
Baydhabo, Soomaaliya"

Dhaamad- Qoraal been abuur ah oo uu soo saaray Urur Been Abuur ah oo isku magacaabay "Bay Bakol Puntland Foundation "